Posts

Showing posts from July, 2024

DOOLAAL, Hayaankii Nolosha ee MAXAMED YUUSUF BIDHIIDH "BADDA".

Image
 Faallo kooban  Guud-Mar   Buuggan la magac baxay Doolaal waa buug uu qoray aqoonyahan MAXAMED YUUSUF BIDHIIDH oo ku magac dheer  'BADDA ' . Qoraagu buugga waxa uu inoogu so tebinayaa hayaankii dheeraa ee noloshiisa. Socdaalkaas oo waayuhu badeen, maadaama cadaadisyadii nidaamkii keli-teliska ahaa ku hayeen bulshada qeybaheeda kala duwani ay isna saamayn ku yeesheen. Ujeedka u weyn ee Maxamed buuggan u reebay waa si ay dhalintu uga korodhsato waayo-aragnimadii uu kasbaday. Maxamed waxa uu ku dhashay duleedka waqooyi ee magaalada Hargaysa (xeedho) 27kii juun 1967kii. Waxbarashadiisii dugsiga hoose ilaa dhexe waxa uu ku qaatay dugsiga Biyo-Dhacay sannadihii u dhexeeyay ( 1973-1980 ) . Dugsiga hoose ee Biyo-Dhacay qoraaga waxa uu ku leeyahay saamayn oo waa halka ay uga baxday naanaystan "BADDA" . Fasalkii 2aad markii uu ahaa qoraagu, ayaa maalin macallinkii faray inuu ardayda u akhriyo cashar buugga carabiga ku qornaa oo ahaa " Badatun yursilu risaala" oo had...