DOOLAAL, Hayaankii Nolosha ee MAXAMED YUUSUF BIDHIIDH "BADDA".
Faallo kooban
Guud-Mar
Buuggan la magac baxay Doolaal waa buug uu qoray aqoonyahan MAXAMED YUUSUF BIDHIIDH oo ku magac dheer 'BADDA'. Qoraagu buugga waxa uu inoogu so tebinayaa hayaankii dheeraa ee noloshiisa. Socdaalkaas oo waayuhu badeen, maadaama cadaadisyadii nidaamkii keli-teliska ahaa ku hayeen bulshada qeybaheeda kala duwani ay isna saamayn ku yeesheen. Ujeedka u weyn ee Maxamed buuggan u reebay waa si ay dhalintu uga korodhsato waayo-aragnimadii uu kasbaday.
Maxamed waxa uu ku dhashay duleedka waqooyi ee magaalada Hargaysa (xeedho) 27kii juun 1967kii.
Waxbarashadiisii dugsiga hoose ilaa dhexe waxa uu ku qaatay dugsiga Biyo-Dhacay sannadihii u dhexeeyay (1973-1980). Dugsiga hoose ee Biyo-Dhacay qoraaga waxa uu ku leeyahay saamayn oo waa halka ay uga baxday naanaystan "BADDA". Fasalkii 2aad markii uu ahaa qoraagu, ayaa maalin macallinkii faray inuu ardayda u akhriyo cashar buugga carabiga ku qornaa oo ahaa "Badatun yursilu risaala" oo haddii la turjumo noqonaysa 'shimbirtii fariinta diraysay'. Maxamed waxa uu lahaa carrab-jalqo oo xarfaha qaar ayaa ku adkaa dhawaq ahaan, akhri marku is yidhi ayuu kari waayay "BADATUN" taa bedelkeeda wuxuu ku celceliyay "BADDA...BADDA....BADDA". Sidii baa magicii ku raacay oo uu ilaa maanta u sitaa.
Intii uu dugsiga Biyo-Dhacay ku jiray, waxa uu ka mid noqday ururkii Waxdatu-shabaabul-Islaamiya halkaas oo uu ka bartay aasaasiyaadka diinta. Ururkan waxa aas-aasay lodkii ka weynaa Maxamed, ujeedkiisuna ahaa ku korinta dhallinyarada barashada diinta islaamka. Ururka waxa maal-gelin jiray qaar ka mid ah waddamada carbeed sida Masar iyo Kuweyt.
Dugsiga sare ee 26ka juun ayuu ku jiray intii u dhaxaysay 1980 ilaa 1984kii. Muddadaas uu qoraagu ku jiray dugsiga sare waxa uu la kulmay dhacdooyin badan oo kala duduwan, kuwaasoo ka turjumaya waayihii nololeed ee adkaa ee ay ku sugnaayeen ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyada Hargaysa. Waxa aan la hilmaami karin, dhagax tuurkii ay sameeyeen dhallinyaradii iyo aqoonyahankii ku midoobay ururkii UFO iyo dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee qabsaday labeentii bulshada (Arday, aqoonyahan, dhallinyaro), oo ay dawladdii dhexe jawaab uga dhigaysay mudaharaaddadii ay samaynayeen dhallinyaradan is-abaabushay.
Sannadkii 1982kii waxa geeriyootay qoraaga hooyadii (AHUN). Wakhtigan wixi ka dambeeyay waxa uu galay halgan iyo hayaan nololeed ka bilow shaqadii qaranka oo uu macallinimo ka bilaabay dugsiga Qalax. 1986kii ayuu u wareegay magaalada Muqdisho, kana bilaabay kulliyadda caafimaadka ee Medicina ee Lafoole.
Sannadihii ku xigay, Maxamed waxa uu u dhoofay qurbaha isagoo ka bilaabay waddanka Talyaaniga 1987kii isagoo so maray waddamo tiro badan sida: Italy, Spain, France, Germany, Netherlands, Sweden, USA, Denmark, Belgium iyo waddamo kale oo badan. Hayaankani waxa uu watay dareeno badan oo farxad iyo murugo ba leh.
Haddii aynu ku bilowno dareenada farxadda leh waxa u horeeya ku guulaysigii deeqdii waxbarasho ee talyaaniga, ku guulaysigii imtixaankii wadista taksiga ee waliba dhibco aad u sareeya uu ku baasay, labadooduba dareeno farxad leh ayay ahaayeen.
Dhanka dareenada murugada leh waxa kow ka ah dhimashada geerida Hooyadii (AHUN), Dhicistii laga dhacay lacagtii xawaaladdu waa dareenada naxdinta iyo murugadaba leh. Waxa sidoo kale murgo lahayd, baadhitaankii dheeraa ee uu raadcaynayay ninkii lacagta dhacay bal in uu lacagtii wixii ka hadhay uu uga soo qaato iyo qaabkii uu ugu hungoobay.
Bal aynu eegno iyaguna dhacdooyinka qosolka leh ee ku jira buugga. Markii ay dalxiiska waxbarasho ku jireen ee ay ku sugnaayeen magaalada Brest ee faransiiska ayaa ay ku daaleen dhex socodka magaalada. Beer ka mid ah kuwa lagu nasto ayay fadhiisteen goor casar ah, wax yar markii ay fadhiyeen ayaa gabadh gashaanti ahi kusoo baxday oo ah dadkii dhaladka ahaa. Waa dhallinyar caadadeede wuxu damcay bal in uu inaanta la haasaawo, waxa uu isku toosiyay wixii uu ingiriisi yaqaanay! jabkuba waa shaw gabadhu ma taqaano ingiriisiga. Wuxu ku dayay talyaani, isna ma taqaan.
Gabadhu faransiis waxaan ahayn ma garanayso, isagana waxa u faransiis ah dhawr kalmadood oo uu Djibouti ka bartay iyo magacyada xaafadihii Djibouti. Marka arrinkii jiq ku noqday, ayuu gadhka isu geliyay wixii uu magac yaqaanay, kuwii xaafadaha Djibouti, Tirooyinkii ayu iyana ku daray oo faransiiska ka yaqaanay. Sidan waxa uu u yeelay, waxa is difaac kaga jiraa saaxiibaddii oo uu kasoo dhex kacay, oo wuxu isleeyahay bal nin iska dhig oo inanta af-gaal iyo mid islaamba kula hadaloo fahan. Markay isku xiiqeen ayuu dhallinyaro carbeed oo meel ku shaahaysa ula tagay bal si ay ugu kala turjumaan.
Intaa waxa dheer xeel-dheerida suugaaneed ee uu qoraagu ku ladhay dhacdo kasta oo soo martay. Haddii aynu qaar ka mid ah xusno, waxa ka mid ah markii keligii cidlo ciirsi la' lagaga tagay magaalada lawyacaddo. Isagoo hurda xeeliga badda uu mar qudha kusoo hanbaabiray cajallad dallacan oo ay ka baxayso hees uu qaaday AXMED CALI CIGAAL oo la yidhaa 'Cakuye hawl adduun'. midhaheeda waxa ka mid ah:
"cakuye hawl adduun badanaa
ma cidla ciirsilaan fadhiyaa
cir kaa dheer dhul kaa dheer
caways ma kuududaa
weyga ciirsantoo taladu
................ ........
Caaway u daran tahee
xaggee baan cuskadaa!
Maxamed waxa maankiisa qabsatay tuduca u danbeeya ee "Caaway u daran tahee
xaggee baan cuskadaa!" maadaama xaaladdii uu ku jiray ay heestu ka waramaysay.
Maxamed waxa uu ugu jawaabay fanaanka afarreydan soo socota:
"weyga ciirsantee taladu, cayn wareegsantee aniga"
Alley lehe ciyaar baad u tidhi ina cigaalow
waligaana ciil lagu ma badin cabasho yeelkeede
Anigay jiq, cayn iyo wareeg, caawa ii tahaye
oo talana igu ciirsantoo, cidla yuurura'e
Caloolyowna ii dheeryahoo kali cabsoodaaye
Cir kaa dheer aan joogiyo ciirsi la'aan ogobe
.......... ......... .....................
Oo caynkan aan ahay miyaad hees ka soo curisay!
Caaway u darantee Allaan ciirsan kaligiiye.
Farshaxanimadda suugaaneed ee qoraaga waxa iyaduna marag u ah tix uu u tiriyay xaaskiisa 20-guuradii ka soo wareegtay arooskooda oo uu hadiyad uga dhigay. Qaar ka mid ah tuducyada tixda waxa ka mid ah:
Qumman suubban, qaxar aan lahayn, qaylo iyo yuustan
Eray qalada, hadal soo qumadan, qadafa oo yuuban
Kalmad qurux le mooyee aan aqoon quudhsi iyo laaxin
Qalbi dabacsan, qummanaan dabciga, qaab u dhaqankaaga
Qansax iyo qaraabada tolkiyo qoysas xididaynta
Marti qabadka, sooryada qatane, qolo wixii baahan
Qaadhaan bixinta, deeqaha u quudh, qado ciddaad dhaantid
Qayb wadaagta jaarkiyo xigtada qayb walba dhawrta
............... ................... .................
Waxba gabaygu yuu ila qodmine waxan ku soo qoolay
Qancisaye naftaydii ilaah igama kaa qaado.
(Aamiin)
Casharo Noocee ah ayaynu ka baran karnaa buuggan:
1.In safarka iyo socdaalku nolosha u door yihiin, oo ay lagama maarmaan tahay in qofku isku dayo inu wax ka barto deegaano kala duwan (dhaqanka, cimillada, dadyawga).
- "Bartii yaqaan bari uma korodho"
- "Nimaan dhul marin, dhaayo la' "
2. In ay lama huraan tahay kobcinta ogaalkeena dhanka taariikhdii aynu so marnay si aynu jiritaankeena dhidibadda ugu aasno.
3. Mid ka mid ah casharada ugu muhiimsan ee Buugga aynu kala bixi karnaa waa ahmiyadda uu SAAXIIBKU nolosha u leeyahay. Qoraalka dhexdiisa waxa ku cad meel walba oo uu MAXAMED tago, cida u hagar-baxda ee kuso dhawaysaa waa saaxiibadii. Waxa xusid mudan markii uu qoraagu Muqdisho ku sugnaa, ee uu saaxiibadii la wadaagay inu dhoofayo qaabkii ay u qaban waabiyeen ee mid koodh usaara, mid tayga u saara iyo mid wax kale ku kordhiyaba ay ugu qaybsameen.
4. Ku dhaca iyo hal-adaygu inu lagama maarmaan u yahay qofka raba inu yoolashiisa xaqiijiyo. Hal-adayga qoraaga waxa muujinaya meelo badan sida: Dhamaystirkii jaamacadda si kasta oo waayuhu ugu saamixi waayeen, baadhitaankii dheeraa ee uu u galay sidii uu usoo heli lahaa ninkii dhacay hantidii xawaaladda; iyo sidii uu usoo maray waddamo ku dhow labaataneeyo.
5. In noloshu ku dhisan tahay aragti ah "kacaa-kuf", waxa inoo cadaynaya aadamuhu marka uu dhasho muddo dheer bay ku qaadataa inu lugihiisa isku taago oo uu socdo, halka xaywaanka kala duwan ee kale ay marka ay dhashaanba ordaan.
6. In qofku dhugmo uyeesho dhabbada uu mari doono oo ka taxadaro, dad la tashi badan sameeyo; waxa usoo baxana Alle la kaalmaysto.
7. In laga wanaagsan yahay bood-boodka badan, ee uu qofku meel ku xasilo kana soo dhalaalo.
8. In nolosha qurbuhu aanay ahayn janno, ee ay tahay nolol u baahan jabhadayn iyo halgan sida ta waddankeenuba ugu baahan tahay naf-hur.
Good job bro
ReplyDelete