QAB IYO QUUDHSI (Halgankii koombe)
Soo Koobid (Taariikh nololeedkii Cabdi Faarax Saciid "JUXA")
Nolol aad qabatintay ka hayaamisteed iyo u hanqaltaagga mid kaa dheeri waa jar iska xoornimo, mugdi badana wey leedahay. Qofka astaantaas lagu arkana waxa loo yaqaan ruux aan habeen jirin, ama aan waaya'arag ahayn. Taasi waxay keentay in aynu niyadda usii dayno deegaanka aynu indhaha ku kala qaadnay. Inkasta oo dhaqan ahaan aynu nahay bulsho reer-guuraa ah oo baadi-goob ugu jira dad iyo xoolaba wixii ay calfan lahaayeen, hadana kollayba ma sahlana ka diga-rogoshada nolol aad baratay waxay gasho iyo waxay gudo. Koombe waa wiil safarkiisa nololeed ka bilowday ka warkeenka nolol ka dahsoon. Waxa uu ahaa wiil reer miyi ah oo ku kacaamay nolol awooweyaasheen aynu kasoo gaadhnay oo dhib iyo dheefba leh. Koombe isaga oo yar ayuu dhigay xiisaha nolosha miyiga una hiyi-kacay mid magaalo taal oo aanu waxba ka aqoon.
Maalin ayuu go'aansaday inuu reerkooda ka fakado oo nolol magaalo ka war-doono. Magaalada Qardho oo aan ka fogayn miyigii reerkoodu degenaa ayuu u baxsaday. Magaalada cid kama yaqaan marka laga reebo eeddadii oo deganayd, isna iska dhawrayay aragtideeda maadaama uu ka cabsi qabay inay u celiso reerkii. Sahay iyo lacag midna ma wadan, warwarna kama qabin waxa ka horeeya. Safarkan waxa ku weheliya walaalkii oo uu wehel ahaan usoo duufsaday. Judhiiba koombe iyo walaalkii way kala lumeen, ku dhaygaggii dadka iyo daaraha magaalada ayuu midkoodba jid dhan u qaaday. Nasiib wanaag, shaqo uu ka helo shilimaad uu maalinkiisa ku maareeyo ayuu helay, oo wuxuu xamaalay baaldiyo biyo ah. Ujeedka ugu weyn ee uu usoo fakaday waa macmacaan jacayl (Timir-doon). Dhawr jeer oo uu magaalada hore uyimi aabihii baa u iibshay macmacaan (xalwad iyo timir) oo uu aad ula dhacay. Sanaati lacag ah ayuu ka helay xamaalkii, wuxuna markiiba ku iibsaday nuskiilo timir ah.
Maalinkii intii ay cadceedu soo jeeday ayuu sahansaday halkii uu dhinaca dhulka dhigi lahaa, marka gabalku u dumo. Halkaas waxa uga bilowday halgan adag oo ah la qabsi magaalo. Sheekada ku xusan buuggan "QAB IYO QUUDHSI" waa taariikh nololeedkii CABDI FAARAX SACIID oo loo garan ogyahay "JUXA" Sheekadana kula magac baxay KOOMBE. Cabdi wuxu inoo soo tebinayaa kacaa-kufkii nololeed ee uu maray, laga bilaabo magaalo galkiisii, noloshiisii miyiga, iyo ilaa mar danbe u gar-qaadka falsafado ka gedisan (Shuuciyad iyo hanti-goosad). Cabdi waxa saamayn weyn ku yeeshay noloshiisa taliskii askarta ahaa ee waddanka qabsaday markii horena dadku u riyaaqeen, gedaalse ay ka qoomameeyeen! Dadka deegaankiisu tabasho badan ayay ka qabeen dhanka xukuumadda, kacdoona wey ku bilaabeen. Falaago deegaankiisa ah ayuu cabdi go'aan ku gaadhay inuu habeen saq dhexe ku biiro, wuxuuna ku lug daray nin ay falaagada oo fadhigeedu ahaa xadka itoobiya usoo dirsatay soo duufsiga dhallinyar wixii qori-qaad ah. Koox dhallinyaro ah ayuu cabdi ka raacay agagaarka garoonkii magaalada xilli jabaqdu go'day, si looga dhuunto ciidanka bilayska oo ugaadhsan jiray dhallinyarta falaagada usocota, waxana lagu qaadi jiray kiis dil iyo xabsi u dhaxeeya.
Safarkani ma aha safarkii kowaad ee uu Cabdi (Koombe) galay, balse waa mid aad uga gedisan kii hore. Socdaalkiisii hore waxa uu yaqaanay waxa uu u socdo oo ahaa timir jacayl, balse safarkan ujeedka uu u galayaa waxay uga qarsoon yihiin sida mugdiga habeenimo uga qarinayo inuu wax arko. Cabdi waxa uu ku baxayaa fikrad iyo maskax dad kale, oo waxa loo sheegay in Reerkooda iyo dawladdu col yihiin, lama huraana ay tahay inuu tolkii dhan ka raaco. Isaga iyo kooxdii dhallinyarada ahayd ayaa jidka loogu qaybinayaa sahay yar oo ay ku gaadhaan fadhiisinta falaagada, waxana lagu war-gelinayaa inuu nin waliba tashiilo. Kooxda waxa ka mid ah cabdi macallinkiisii, tani cabdi waxay u noqotay rayn-rayn oo wuxuu helay cid uu cidlada ka weheshado. Intii ay dhexda kusii jireen, Cabdi wuxuu dagaal kula jiray maankiisa oo wuxuuba ku fikiray inuu xanuun sheegto oo khaatiyaan iska dhigo si looga tago, isna dib isaga laabto. Haddana waxa niyadiisa kusoo dhacday "Qeyrkaa hortii ha caban" oo wuxuu isku qanciyay inuu calool adayg miciinsado.
Waxa halkaas uga bilaabantay nolol cusub oo ah la qabsiga xerada tababarka. Markiiba waxa looga yeedhay xafiiska laga maamulo xerada si loo diwaan-geliyo oo loogu daro liiska falaagada oo magacyadooda laga yeedhin jiray idaacadda. Tani waxay ahayd siyaasad ay falaagadu u isticmaali jireen si aan cidina isugu dayin baxsi iyo ka noqoshada go'aanka jabhadnimo. Qofka baxsadaa dhanka dawladda dil buu ku xukuman yahay. Muddo markii ay xerada ku jireen tababarkiina u dhamaaday, waxa lasoo gaadhay amintii ay hawl-geli lahaayeen ee ay fulin lahaayeen wixii lasoo baray. Safar baa loo sheegay in la baxayo, is diyaarin ayuu qof waliba galay. Qori AK-47 ah, rasaas, boosh rasaaseed iyo buraashad biyo ah ayaa nin walba la siiyay. waxana loo qeybiyay laba laba iyo saddex saddex, waxana lagu dhex daray ciidamo xerada ka baxsan. Sababta socdaalkani waa mid dahsoon, nasiib-darro dhexda ayaa dagaal ku qabsaday oo waxa loo dhigay jid-gooyo. Muddo markii la isla raftay, kooxdiisina khasaare soo gaadhay ayay dib ugurasho bilaabeen.
Rafaadka nolosha falaaganimadu ma ahayn mid cabdi ku qanacsanaa, sidaa awgeed waxa uu baadi goobay bal inuu saldhigto oo nolol tan dhaanta raadsado. Muddo markii uu xerada ku jiray, ayaa fasax saddex cisho ah la siiyay si uu usoo jewi bedesho oo magaalo yar oo xerada u dhawayd utago. Nasiib wanaag, magaaladii waxa uu kula kulmay macallinkiisii oo ay isu boholyoobeen. Cabdi macallinkiisii ayuu u waayo sheegtay, sida uu quusta uga yahay nolosha falaaganimada aadna wuu ugu ooyay. Macallinkii ayaa ugu bushaareeyay inuu isagu la shaqeeyo madaxda falaagada oo saldhigeedu yahay Addis Ababa, shaqana uu halkaas ka siin doono, ee uu isasoo diyaariyo berrito. Habeenimadiiba cabdi diyaar buu ahaa, subaxdiina diyaarad buu la raacay macallinkiisi ilaa Addis Ababa. Shaqo saxaafadeed ayuu halkaas ka bilaabay cabdi, oo waxa uu ka hawlgalay idaacadii falaagada. Tani waxay cabdi unoqotay shaqo uu kula xidhiidho qoyskiisii, oo marka ay idaacadda ka maqlaan xaqiiqsan jiray bad-qabkiisa.
Markiiba cabdi wuxu dhex-galay madaxdii si fiicana waa isu barteen. Safiir falaagada yaman u fadhiyay ayaa cabdi ka ballan-qaaday inuu fursad waxbarasho usoo raadin doono. Muddo gaaban ka dibna, war farxadeed baa soo gaadhay cabdi sheegaya inuu deeq waxbarasho ka helay wadanka CZECH oo waagaas calanka shuuciyaddu ka baban jiray, isla markaasna tago safaarada wadankaas kana doonto dal-ku galka (visa) iyo waraaaqaha jaamacadda. Cabdi waxa mar kale u bilaabmay geedi cusub, oo waxa uu ka degay caasimadda wadanka Jeeg ee PRAGUE. Halgan cusub oo uu ugu horeeyo barashada afka waddanka ayuu u tafo xaytay. Waagaas shuuciyaddu oo Moosko hogaan u ahayd waxa ay miciin biday bixinta deeqo waxbarasho si ardaydu hadhow u faafiyaan falsafadda shuucinimo! Tani fursad bay u ahayd Cabdi oo ahaa wiil somaaliyeed oo sida soomaalida kaleba noloshiisu ku socotay bilaa qorshe. Maadaama aanu isagu lahayn falsafad uu rumaysnaa wuxuu ku qasban yahay inuu qaato wixii dadku ula yimaadaan.
Dhawr sanno markii uu wadanka wax ka baranayay, ayaa waxa dumay nidaamkii shuuciyadda ee Moosko iyo xulafadeedii oo jamhuuriyadda Jeeg ka mid ahayd. Marar dhawr ah ayuu isku dayay inuu u talaabo yurub oo uu halkaas qaxoontinimo iska dhiibo, balse dhamaantood waa fashilmeen. Todobba sanno oo waxbarasho ah ka dib, cabdi waxa la gaadhay wakhtigii uu waddanka ka huleeli lahaa, tani warwar bay ku noqotay maadaama waddankiisi colaado sokeeye ka jireen. Ninkii mudadaas wax baranayay waxa uu go'aan ku gaadhay inuu qaxooti iska qoro waddanka, taasina uma suura-gelin. Wuxuu iskula hadlay in waddankiisu lama huraan yahay meel uu ku doorsadaana jirin, tix laga soo weriyay soomaali qurbo joog ah ayuu isku maaweeliyay:
"In kastood galbeedkiyo
Goballada khaliijkiyo
Guryo Dallas ku leedahay
Sow geed madow iyo
Garanwaa la naco iyo
Soogalooti ma ihid"
Cabdi wuxuu aad uga dayrinayay xaalka Siyaasiga soomaaliga ah oo uu ku tilmaamay rag ku sifoobay 'xil u carar, xoolo la carar iyo xisaab ka carar'.
DHAMAAD...
Comments
Post a Comment