Laba Daran Midkood....!
Qiyaastii saddex gu’ oo xidhiidh ah ayaa baladku ku jiraa abaar aan arxan u gelin dad iyo duunyaba. Dadkii deegaanku waxay ku dhowaadeen quus, ka dib markii ay xoollihii yaraa la mareen meel walba; bal inuun ay helaan wax ay calfadaan. Alle galladii, laba todobaad ka hor ayay naxariistiisii godlatay, oo cir iyo dhulba is-qabsadeen. Reer Dayib waa qoys ka kooban 6 hablood iyo wiil ku iidaaman, oo lagu magacaabo Bile. Hayn ahaan, reerka waxa xoolo u jooga dhawr neef oo lo’ ah oo hablaha yar yar loo liso. Cudur saf mar ah oo deegaanka isaga gudbay, ayaa ka laayay adduun wixi ay xoollo lahaayeen.
Aabbe Dayib, fiid habeenada ka mid ah ayu u uyeedhay wiilkiisi Bile, oo uu uga waramay waayaha Alle baday ee madinimada iyo waxa la gudboon. Dayib wuxu wiilkiisi kula teliyay inuu guggaa curtay inan gayaankiisa ah so xusho, oo qoys yagleelo. Bile waa ka garaabay so jeedinta aabbihii, arrinkiina wuu aqbalay. Maskaxdiisa waxa ka dhex guuxaysa, Siraad Caabi oo ah inanta u muuq dheer deegaanka sidoo kalena ay markoodii hore sheeko wadaag ahaayeen. Bile iyo siraad sidii baa la isugu dhisay.
Qoyskii cusbaa farxad iyo rayn rayn bay ku bilowdeen. Siraad waxa ay ahayd gabadh kaso jeeda qoys Alle u nimceeyay oo ladan. Bile waxa isla markiiba bilaabay sidii uu u meel marin lahaa reerkisa cusub. Dedaal, tacab iyo tamar badan bu geliyay sidii ay dhaqaale ahaan u hano qaadi lahaayeen oo waxa uu u qalab qaatay waxso saarka beeraha. Beerihi waxa uga so go’ay, masruufki reerka wax aan kaba badnayn. Laakiin wuxu ku adkaystay, inu beeraha horumar balaadhan ka sameeyo. Reerki in muddo ah ayu sidii u quruxda badnayd u dhisnaa, laakiin waa qadar Allee wax ubad ah, weli Alle kuma arsaaqin.
Siddeed sanno aya kaso wareegatay, aasaaski qoyska Bile iyo Siraad. Ragga beesha iyo Bile ilmaaderadiiba waxa ay mar kasta ugu dhago barjeeyaan “waar gabadh kale guurso oo iska minyarayso”….isna awlaada Allaa haya, ee iga taga ayuu ugu war-celiyaa. Muddo ka dib, ilaahay wuxu qoyski ku arsaaqay gabadh loo bixiyay “Bishaaro”.Kuso biirista bishaaro ee qoysku waxa ay soo celisay xasillooni iyo riyaaq aanu qoysku muddoba dhadhamin.
Bishaaro wey kortay oo qoyska indho iyo rejo-ba u ahayd. Bile iyo siraadna wey ku indho kuulan jireen. Labadooda Alle uma calfin inay kala helaan ubad kale oo aan Bishaaro ahayn. Sidaa awgeed ayuu Bile ugu dambayntii tallo ugu goostay bal inu mar labaad guursado, si cid magiciisa reebta uu uga tago haddii ay tiisii noqoto. Bile min-yaraysay! Oo ku calool adayg. Qorashihiisa waxa ku jirtay, labada reerba ka masruuf koley qaad oo uu ku haystay tuullada. Kolleygu suuq badan ma lahayn, laakiin awal reerka baahiyahoda inta badan wu dabooli jiray.
Sannad ka dib, heynti qoysku marba wey si xumaanaysay. Siraadna waxa ku dhacay trachoma oo arageedu gabaabsi bu si noqonayay maalin kasta. Bishaaro waxa had iyo jeer kaar iyo war-war ku hayay xaaladaha kusoo fool leh. Bilo kooban ka dib, Siraad waxay noqotay ruux la hago oo wey indho beeshay. Tani waxa ay Bishaaro ku qasabtay inay wajahdo caqabaddaha nolosha ee haysta qoyskooda.
Bishaaro waxa ku mudnayd oo ay hurdo ka ladi weyday, musiibada indho la’aaneed ee haleeshay hooyadeed. Sidaa darteed, waxa ay geed gaaban iyo mid dheerba u kortay xal u raadinta mushkiladdan. Had iyo jeer waxa ay waraysan jirtay dadka ka yimaada magaalooyinka bal in ay ka hesho xog anfacda oo ay ku hawl-gasho. Waxay maqli jirtay in magaalada shaqo taalo, oo haddii ay muddo si mintidnimo ah u shaqaysato ay ka heli karto lacag badan.
Dhanka kale, Bishaaro waxa ku mudnaa oo ay walaac ka qabtay, ciddii caawin lahayd hooyadeed. Waxay ogayd inay iyadu u tahay miciinka keliya ee ay leedahay, haddii ay ka dhaqaaqdana waxa ka cabsatay intay wax-soo tar islahayd in ay dayac u dhimato oo ay cuqubo shaqaysato. Bishaaro talo ayaa ku ciirtay oo waxa isu barkan laba daran mid dooro; inay hooyadeed u shaqo tagto, oo hayntooda hoosaysa wax ka qabato, hooyadeedna indhaha ujeexdo si ay mar labaad wax u arki karto iyo inay hooyadeed tukube u noqoto oo ay daryeelkeeda ku fooganaato farahana ka qaado hawlaha kale oo dhan.
Bishaaro, arrinkii wuu ka baahay. Waxay baahi weyn u qabtaa cid talo waayeel iyo mid walaalba siisa; ee adigu (akhriste) maxaad kula talin lahayd Bishaaro, ma inay hooyadeed kalkaal u ahaato oo garabkeeda taagnaato mise inay dhexda u xidhato xoogsi ay duruufaha adag ee haysta nolosheeda maare ugu hesho hooyadeedna sabab u noqon kara inay mar labaad wax aragto?
Comments
Post a Comment