FANKA CURINTA (Austin Kleon)~Turjume: Cabdisalaam Gaboobe.
Maxaynaan ka ogeyn Curinta..?
Fan iyo Curin waa laba erey oo mid waliba iskii macno balaadhan u xambaarsan yahay. Fanku waa isku-darka xirfaddo farshaxannimo kala duwan oo tilmaamaya hal-abuurka aadanaha ee dhanka qabashada shaqooyin muuqaal ah, maqal ah, ama waxqabad, muujinta afkaarta, male'awaalista, cabirista dareenka, iyo quruxda, iyadoo la adeegsanayo karti gaar ah.
Curin waa hal-abuur ku saleysan fikir iyo karti iyadoo la adeegsanayo xirfad leh farshaxan iyo maskax furnaan, si loogu xalliyo dhibaatooyin jira. Buuggan "FANKA CURINTA" waxa uu gudbinayaa xogo inaga qarsoon oo ku saabsan curinta. Waxa uu inaga furfurayaa silsilado afkaar taban ah oo ku kala xidhan maskaxdeena iyo curinta. Hal-abuurka iyo curintu waa shay aynu ka aaminay aragtiyo aan xaqiiq ahayn oo ay ka mid tahay, in curintu tahay xirfad gaar u ah dad tiro kooban oo ilaahay hidde usiiyey balse aanay suurtagal u ahayn qof kasta oo inaga mid ah.
Taa bedelkeeda curintu waa farshaxannimo xirfadeed oo qof waliba yeelan karo. Brian Eno waxa uu qabaa in hal-abuurnimada iyo curintu ku timaad hibo-wadareed, taas oo la micno ah in aanay jirin fikrad bilaa tixraac ah oo ka unkantay meel cidlo ah. Fikrad waliba waxa ay leedahay asal-raac iyo meel ay ku abtirsato. Sidaa awgeed hal-abuurka shaqadoodu wey isku tiirsan tahay oo isu baahan tahay. Hal-abuure kastaa inta aanu wax curin waxa uu darsayay afkaartii iyo hal-abuurkii ka horeeyay, si uu shaqada halkaas uga sii ambaqaado ama ugu kordhiyo wixii ay seegeen hal-abuureyaashii ka horeeyay.
Si aad curin iyo afkaar ula timaad, waa inaad deristaa hal-abuurkii kaa horeeyay. Ka dibna aad mideysaa oo isu geysaa hal-abuurkooda, iskuna deydaa inaad ku biiriso wixii ay il-duufeen ama wax cusub oo aad adigu ku kordhinayso. Qofku si uu u ogaado hal-abuurkii uu dersi lahaa ee uu ku wanaagsan yahay, marka hore qabo shaqooyin badan oo kala duwan, shaqooyinkaas dhexdooda ayaad kala kulmi doontaa albaabka aad ka geli doonto hal-abuurka. Hal-abuurkaaga shaqo marka uu guulaysto, dadka la wadaag sirta hal-abuurkaaga si ay waayo'aragnimo kuugu biirto.
DHAMAAD.
Comments
Post a Comment