Kashaa laga hawl galaa, Laxaadkana waa laga fuliyaa...!

Maax waa wiil curad u ah reer ka kooban todoba caruur ah iyo labadoodii waalid. Qoyskoodu waa reer miyi dhaqda xoolo kafeeya noloshooda oo nimco ayay ku jiraan. Degellkan ay degan yihiin waxa uu baahi weyn u qabaa goobo waxbarasho, sidaa awgeed ayay odeyaasha deegaanku oo uu ka mid yahay Aabo Gahayr ay codsiyo kala duwan u direen dawladda si ay wax-uga qabato baahida ay qabaan. Tiroba ilaa afar jeer oo kala duwana waxay tageenba magaalada bal in codsigoodu tixgelin yeesho. Markii ay cidi dhag jalaq usiin weyday, ayuu Gahayr la tashaday ooridiisa Aamina oo Maax hooyadii ahayd. Markii ay rog-rogeen arrinkii, waxay isla garteen inay Maax u diraan Magaalada si uu wax uga barto. Magaalada waxa degenaa nin ay Gahayr ilmaadeer yihiin, Maaxna adeer u ah oo lagu magacaabo aw-Maxamuud. Maax waxa loo soo diray magaaladii, farriin uu aabihii u faray adeerkii Aw-Maxamuudna wuu sidaa oo ahayd u jeedka socdaalkiisa iyo inuu damcay in wiilku la joogo, waxbarashadana ku daro. Gaadhi caanaha qaada ...