Kashaa laga hawl galaa, Laxaadkana waa laga fuliyaa...!





Maax waa wiil curad u ah reer ka kooban todoba caruur ah iyo labadoodii waalid. Qoyskoodu waa reer miyi dhaqda xoolo kafeeya noloshooda oo nimco ayay ku jiraan. Degellkan ay degan yihiin waxa uu baahi weyn u qabaa goobo waxbarasho, sidaa awgeed ayay odeyaasha deegaanku oo uu ka mid yahay Aabo Gahayr ay codsiyo kala duwan u direen dawladda si ay wax-uga qabato baahida ay qabaan. Tiroba ilaa afar jeer oo kala duwana waxay tageenba magaalada bal in codsigoodu tixgelin yeesho. 

Markii ay cidi dhag jalaq usiin weyday, ayuu Gahayr la tashaday ooridiisa Aamina oo Maax hooyadii ahayd. Markii ay rog-rogeen arrinkii, waxay isla garteen inay Maax u diraan Magaalada si uu wax uga barto. Magaalada waxa degenaa nin ay Gahayr ilmaadeer yihiin, Maaxna adeer u ah oo lagu magacaabo aw-Maxamuud. Maax waxa loo soo diray magaaladii, farriin uu aabihii u faray adeerkii Aw-Maxamuudna wuu sidaa oo ahayd u jeedka socdaalkiisa iyo inuu damcay in wiilku la joogo, waxbarashadana ku daro. Gaadhi caanaha qaada waaga berigiisa, ayuu ku talo galay inuu subaxa raaco. Salaad hore, waagii oo aan si fiican u dilaacin ayuu Maax ku jarmaaday goobtii lagu ururin jiray caanaha deegaanka ee gaadhigu ka qaadi jiray. 

Cabaar ka dib, gaadhigii baa soo istaagay. Gahayr ayaa shalay galabnimadii u waramay dirawalka baabuurka oo ay si fiican isu yaqaaneen. Baabuurka korkiisa ayuu sii fuulay Maax illaa magaaladii. Ma aha markii kowaad ee uu Maax soo gaadho magaalada oo dhawr jeer oo hore ayuu soo yar gaadhay. Gurigii adeerkii ayuu toos u abaaray. Faadumo oo ahayd gabadha u dhaxda adeerkii ayaa soo dhawaysay kana gurtay war iyo wacaal wixii uu u socday. Faadumo waxa ay u sheegtay in aanu adeerkii awoodin inuu ka bixiyo waxbarashadiisa, shaqadiisa oo ahayd dilaal awgeed ayaan la isku hallayn karin ayay ugu calaacashay. 

Warkaasi ma farxad gelin Maax, oo rejo badan ka qabay inuu waxbarashada ka midho keeno, marka uu magaalada yimaado. Hadba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaaye, Maax waxa uu isku qanciyay inuu shaqaysto oo uu isagu isku filnaado. Waxbarashadiisa iyo baahiyihiisaba daboolo. Aw-Maxamuud oo ka wer-werayay wixii uu ka yeeli lahaa wiilkan ina-adeerkii kusoo aaminay, ayaa soo dhaweeyay tallada Maax. Sidoo kalena u balan-qaaday in haddii shaqada dilaalnimadu soo rayso, uu waxbarashadiisa wadan doono, farahana ka qaadi doono hadba wixii uu helo ee shaqo ah. 

Aw-Maxamuud wuxu baadi-goob ugu kacay dhankaas iyo suuqa, si uu uso helo shaqo uu qaban karo Maax. Nasiib wanaag, wuxu soo helay niman wastaadyo ah oo ay maqaaxi ku wada qayilli jireen. Nimankii ayuu uga waramay wiilka uu adeerka u yahay ee shaqo doonka ah, bal inay ka dhigtaan gacan yare oo uu la shaqeeyo inta ay indhuhu u dillaacayaan. Maax waxa uu noqday kaaliye wastaad ama kuulli, oo ah shaqo u badan muruq maal. Gelinka hore shaqadaas buu ku fooganaa. Gelinkii danbena waxa la qoray dugsi hoose oo ay haya’dda (NRC) gacanta ku haysay. Fasalladaas gelinka danbe, waxa ay ahaayeen dadka waxbarashada ka habsaamay fasallo wax lagu baro. 

In muddo ah ayuu Maax gelina kuulli ah, gelinka kalena dugsiga dhiganayay. Dhallinyarta faciisa ah wey ku adkayd isku haynta labadan shaqo. Laakiin dhankiisa caadi bay ka ahayd. Kartida iyo dedaalka joogtada ah ee bixinayay ayaa waxay keentay inuu si dhakhso badan shaqadii ula qabsado, kana shaqo wanaagsanaado rag ka waaweyn. Maax waxa uu noqday shaqaale la siman raga dhigiisa ah, oo wuxuu qaataa gunno u dhiganta ta shaqaalaha. Lacagta yar ee shaqada kaso gasha badankeeda dhigaal buu ka dhigaa, marka laga reebo inyar oo waxbarashada isaga bixiyo iyo inyar oo ku arad-baxo. 

Muddo laba sanno ah markii uu shaqaynayay, ayuu reerkoodii u iibiyay xoolo isugu jira lo’ iyo adhiba, si ay u dhaqdaan tacabkiisana wax uga cunaan. Aabo Gahayr iyo hooyo Aaminiba aad bay ugu riyaaqeen in Alle ku simay, manaafacaadsiga tacabka wiilkooda. Dhanka waxbarashada, Maax dedaal ma yaraysan; Oo imika wuxu marayaa fasalkii afraad. Sannad walba wuxuu dhigan jiray, laba fasal darsigood. Macalimiintu aad bay u jeclaayeen Maax, dhiiranaanta iyo hawl-karnimada awgeed. 

Maalin maalmaha ka mid ah, maax oo ku jira shaqadiisii caadiga ahayd ee kuullinimada ayaa waxa dhaawac kasoo gaadhay lugta oo waxa jartay bir. Maalinkaas waxa ay ka shaqaynayeen guri la dumiyay oo dib loo dhisayay. Ragii ay shaqo wadaagta ahaayeen ayaa kusoo xoomay, ka dibna ka hawl-galay sidii dhiiga loo joojin lahaa. Dhiigii joogsay, Maax waxa loola cararay meel xanaano ahayd oo ahayd xarun caafimaad meeshii ugu dhawayd. Dhaymadii nabarka ka dib, Maax waxa loo caraabiyay dhankaas iyo reerkii. 

Saddex maalmood Maax ma shaqo tegin, laakiin wuxu filayay in aanu waxba qabin. Nabarkii wuu bogsan waayayba oo wuu sii buq-buqay. Lugtiina aad bay u barartay, oo xataa dheecaan baa galay. Aw- Maxamuud markuu arkay in ay xaaladii Maax cuslaanayso, ayuu ula cararay dhakhtar weyn oo magaalada ku yaallay. Dhakhtarkii wuxuu ku calaacalay in birta gashay ay jidhka caabuq gaadhsiisay oo aan si fiican loo dheyin, taasina ay sababtay in ay taytano ku dhacdo. Xalka keliya ee banaanina yahay in lugta la jaro. Jawaabtaasi anfariir iyo argagax bay ku noqotay Aw-Maxamuud, wuxuuna isla markiiba la hadlay Gahayr oo uu uga waramay siday wax u dhaceen iyo halkay wax marayaan. 

Aamina iyo Gahayr si dhakhso leh ayay usoo gaadheen dhakhtarkii la dhigay Maax. Aw-Maxamuud iyo Maax waalidkii kumay qancin jawaabta dhakhtarka, sidaa awgeed waxay go’aansadeen in ay ula cararaan dhankaan iyo Addis Ababa. Muddo kooban oo maalmo ah gudahood, ayay gaadheen dhakhtarkii ku yaallay caasimada Ethiopia ee Addis Ababa; iyadoo lugtiina ay barar awgii adinkiiba qarsoomay. Waxa u qaadan waa noqotay, in dhakhtarkanina siiyo isla jawaabtii hore ee ahayd in xallka keliya ee banaani yahay in lugta la jaro, si looga fogaado in caabuqu gaadho jidhka intiisa kale. 

Gahayr iyo Aamini, aad bay uga murugoodeen dhibka haleeshay wiilkooda, laakiinse Maax ayaa si naxariis leh oo debacsan ugu wacdiyay “Hooyo iyo Aabo waxa i helay, waa amar Alle, ee aynu ku samirno”.  Aw-Maxamuudna oo isna intaasba ka ag dhawaa ayaa isna ka garaabay hadalka Maax, raaciyayna in ay la gudboon tahay in deg-deg loo fuliyo qalliinka lagu jarayo lugta ee lagu bad-baadinayo Maax. Qalliinkii waa lagu guulaystay oo lugtii waa la jaray Maax, oo imika wuu caafimaad qabaa laakiin laxaadkiisii ba dhantaalmay. Maax in muddo ah ayuu dhaymo ku qaadan jiray waadhka, wuxu had iyo goor ka fikiri jiray sida mustaqbalkiisu ku dambayn lahaa iyo waxa laxaad la’aantu u dhimi karto himilooyinkiisii nololeed. 

Maax hadda waxa uu saaran yahay gaadhi curyaan, oo waxa uu ku qancay qadarka haleelay. Waxa uu hogaamiye ka noqday ururka naafada ee magaalda oo waxa uu wacyi-geliyaa dadka laxaadkoodu dhantaalan yahay, sidii ay uga dheeraan lahaayeen in laxaadkooda kala dhantaalani ka niyad jabiyo baacsiga yoolashooda nololeed. Dhanka kalena, waxbarashadiisi ayuu wataa. Magaaladii wuxuu ka noqday tusaale looga deydo hal-adayga, kartida, dedaalka iyo dhiiranaanta. 


DHAMAAD.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

QAB IYO QUUDHSI (Halgankii koombe)

"13 Things Mentally Strong People Don't Do" ~AMY MORIN.