Posts

Showing posts from December, 2024

FANKA CURINTA (Austin Kleon)~Turjume: Cabdisalaam Gaboobe.

Image
Maxaynaan ka ogeyn Curinta..? Fan iyo Curin waa laba erey oo mid waliba iskii macno balaadhan u xambaarsan yahay.   Fanku waa isku-darka xirfaddo farshaxannimo kala duwan oo tilmaamaya hal-abuurka aadanaha ee dhanka qabashada shaqooyin muuqaal ah, maqal ah, ama waxqabad, muujinta afkaarta, male'awaalista, cabirista dareenka, iyo quruxda, iyadoo la adeegsanayo karti gaar ah.  Curin waa hal-abuur ku saleysan fikir iyo karti iyadoo la adeegsanayo xirfad leh farshaxan iyo maskax furnaan, si loogu xalliyo dhibaatooyin jira. Buuggan "FANKA CURINTA" waxa uu gudbinayaa xogo inaga qarsoon oo ku saabsan curinta. Waxa uu inaga furfurayaa silsilado afkaar taban ah oo ku kala xidhan maskaxdeena iyo curinta. Hal-abuurka iyo curintu waa shay aynu ka aaminay aragtiyo aan xaqiiq ahayn oo ay ka mid tahay, in curintu tahay xirfad gaar u ah dad tiro kooban oo ilaahay hidde usiiyey balse aanay suurtagal u ahayn qof kasta oo inaga mid ah.  Taa bedelkeeda curintu waa farshaxa...

"13 Things Mentally Strong People Don't Do" ~AMY MORIN.

Image
Train your brain for happiness and success Book Summary  To improve a specific aspect of your life, it's essential to dedicate yourself fully to the actions and steps that will lead to success. Just as regular exercise builds physical strength, there are strategies to strengthen your mind. Psychotherapist Amy Morin , drawing on her extensive experience in counseling and personal losses at a young age, identifies key attributes that mentally strong people possess. In her book   “ 13 Things Mentally Strong People Don't Do” , Morin offers valuable insights on how to master mental strength and navigate challenging times. In each chapter, Morin begins with a story, often drawn from her personal experiences as a therapist, which relates to the topic she will address. Many of these stories are not only informative but also deeply inspirational, providing real-world context to the strategies she outlines. The benefits of cultivating mental strength are profound. These include increase...

QAB IYO QUUDHSI (Halgankii koombe)

Image
Soo Koobid (Taariikh nololeedkii Cabdi Faarax Saciid "JUXA") Nolol aad qabatintay ka hayaamisteed iyo u hanqaltaagga mid kaa dheeri waa jar iska xoornimo, mugdi badana wey leedahay. Qofka astaantaas lagu arkana waxa loo yaqaan ruux aan habeen jirin, ama aan waaya'arag ahayn. Taasi waxay keentay in aynu niyadda usii dayno deegaanka aynu indhaha ku kala qaadnay. Inkasta oo dhaqan ahaan aynu nahay bulsho reer-guuraa ah oo baadi-goob ugu jira dad iyo xoolaba wixii ay calfan lahaayeen, hadana kollayba ma sahlana ka diga-rogoshada nolol aad baratay waxay gasho iyo waxay gudo. Koombe waa wiil safarkiisa nololeed ka bilowday ka warkeenka nolol ka dahsoon. Waxa uu ahaa wiil reer miyi ah oo ku kacaamay nolol awooweyaasheen aynu kasoo gaadhnay oo dhib iyo dheefba leh. Koombe isaga oo yar ayuu dhigay xiisaha nolosha miyiga una hiyi-kacay mid magaalo taal oo aanu waxba ka aqoon.  Maalin ayuu go'aansaday inuu reerkooda ka fakado oo nolol magaalo ka war-doono. Magaalada Qardho oo aa...